XOG: Shariif Xasan oo xaalad halis ah wajahaya

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xaalad adag ka soo wajahday odayaasha dhaqanka maamulka K/Galbeed ee gacanta ku haya soo xulitaanka xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka K/Galbeed kadib markii ay odayaashaasi soo xuleen xubno Shariif Xasan aanu dooneynin.

In ku dhow 40 xildhibaan oo odayaashu qoreen ayaa noqday xildhibaano aanu isku hubin Shariif Xasan oo qaarkood ay si weyn uga soo horjeedaan hogaamiyaha K/Galbeed taasoo keentay inuu Shariif Xasan odayaasha kulamo is dabajooga la yeesho oo uu la dalbado inayu soo bedelaan xubnaha ay soo qoreen taasoo inta badan la isku afgaran waayay.

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in howsha soo xulitaanka xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed ay meel xasaasi ah mareyso iyadoo magaalada ay ku qulqulayaan siyaasiyiin iyo wufuud kala duwan oo dooneysa inay qeyb ku yeelato Baarlamaanka, laakiin wuxuu Shariif Xasan ka gaabsaday inuu dhex galo howl aan ahayn culeyska kasoo wajahay odayaasha dhaqanka saddexda gobol ee ku xareysan magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com