Fadeexad ka taagay Kenya iyo saraakiil badan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska dalka Kenya ayaa shaqada ka eryay Saraakiil farabadan oo ka howlgali jiray Nairobi iyo Gobolada kale ee dalkaasi.

Saraakiisha la eryay ayaa tirro ahaan lagu sheegay 63 kuwaasi oo lagu eedeeyay in howlaha amaanka dalkaasi ay ka dhigeen ganacsi iyo qaadashada laaluush aan xadidneyn.

Saraakiisha la eryay oo baaritaano kadib lagu helay danbiyo cadeyn leh ayaa waxaa kamid ahaa Saraakiil caan ka ah dalkaasi oo laga soo duubay muuqaalo muujinaaya iyaga oo laaluush qaadanaaya.

Saraakiisha sare ee la eryay waxaa kamid ah Masoud Mwinyi oo ahaa afhayeenka ciidanka Administration Police – Kenya.

Sidoo kale waxa ay badi ahaayen Saraakiisha la eryay Taliyayaal saldhig iyo kuwo ka sii sareeya, hayeeshee waxa ay iminka nasiib u yeeshen in xilalkaasi laga qaado.

Waxaa ku jira Saraakiisha la eryay kuwa taraafikada kuwaas oo baaritaan lagu sameeyay akoonadooda lagu ogaaday in laaluush loogu soo diri jiray akoonadooda.

Geesta kale, wadanka Kenya ayaa kamid ah dalalka Afrika ee caanka ku ah musuq-maasuqa iyo wax isdabamarinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com