Xog: Muungaab iyo Xeer ilaaliyaha oo dalbaday in xilka laga qaado Wasiirka Amniga (Sabab)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiya Gobolka Banaadir Muungaab ayaa maanta ku tilmaamay wasiirka amniga Mudane Cabdirasaq Omar in uu yahay danbiile galay qiyaano qaran isagoo ku eedeeyay in uu bixiyay ogolaasho waddo aay dhiseen Turkida in la bur buriyo.

Wasiirka ayaa illaa hadda wax jawaab ah aanan ka bixin ficilkaas, walow warar aan ka soo xiganeynay xafiiska G/G/Banaadir aay noo sheegayaan in Muungaab iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka aay fiidnimada maanta aay u gudbiyeen waraaq dacwo oo ka dhan ah wasiirka. Eedeynta ayaa looga codsaday RW Cumar Cabdirashiid in uu xilka ka xayuubiyo Wasiirka Amniga si maxkamad loo soo taago.

Xiisaha arrinkan ayaa aad u kacsan. RW Cumar ayaanan weli ka jawaabin codsiga Xeer ilaaliyaha iyo G/Gobolka Banaadir.

Caasimada Online oo isku dayday in aay la xiriirto wasiirka amniga ayaanan u suurto gelin. Waxaa uu inoo sheegay afhayeenka wasaaradda amniga “Muungaab waa nin gabalkiisa sii dhacaayo oo raba in uu marmarsiyo ka dhgto isku dhaca wasiirka. Wasiirka marnaba uma jawaabi doono Muungaab” Waan naqaan ujeedkiisa ayuu yiri Afhayeenka.

Waxaa caado iska noqotay isku dhaca masuuliyiinta, kuwaasoo aan u kala soocneyn shaqooyinkooda, isla markaana aanay jirin ha’ado sharci oo kala saari kara masuuliyiinta.

Baaritaan aay sameysay Caasimada ayaan ku ogaanay in qaladka uu leeyahay G/Gobolka Muungaab oo raba in uu soo fara gashado arrimo amni.

?
?
?
?

La soco wixii ku soo kordha arrintan xasaasiga ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com