MUUNGAAB iyo wasiirka amniga oo ay ka tafan tahay iyo arrin xasaasi ah oo XAMAR ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliyeed Iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa Si Wada Jir Shir Jaraaid Ugu Qabtay afaafka hore Xarunta UN-ka ee Magaaladda Muqdisho Taas oo ay Ka socotay Bur burin Laamiga isku Xira Airoboorka Aaden Cadde iyo K4 .

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ku horeeyey goobta ay Socotay bur burinta Laamiga ayaa Durbadiiba Joojiyey mudo Yar uun kadib Markii Duqu Magaaladda Kasoo Maqan yahay ayaa Laga bilaabay Halkeedii isaga oo Mar labaad kusoo Laabtay isaga oo ay Wehliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliyeed Dr Axmed Cali Dahir.

UGU horeyntii waxaa saxaafadda La Hadlay gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho jeneral Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” wuxuuna si Caro Leh u sheegay in hey.ada Ay Weydiisatay Ogolaansho uuna diiday kadibna Ay warqad Kala Yimaadeen Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaliyeed .

“Wasiirku amnigu Xaq Uma Lahan in Fasaxo Wado La Xirayo ama La Fasaxayo wana sharci Daro waxa uu Maantay Sameeyey Damiirkeena Ma Ogolaan Karo In Wadooyinkii ay Inoo dhiseen walaalaha Turkig Maanta Garweyn Lala dhaco waa Qiyaano Qaran Wasiirka Amnigana waxaan La Tiigsan Doona sharciga ayuu Yiri Duqa Magaaladdu.

Duqa Magaaladda Muqdisho oo Hadalka sii Wata ayaa sheegay in sida uu qabo sharciga Wadooyinka kaliya oo wado Xiri Karo Wadana furi Karo Duqa Magaaladda.

Ugu Dambeyntii Waxaa ka Hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed Dr.Axmed Cali Daahir oo sidaas Si lamid ah Uga hadlay sheegayna In Cidiii amartay iyo Cidii Burburisay ay Tahay dambiile baabi iyey Hanti qaran sharcigana la Hor gey Doono.

Ugu Damben Dr Axmed Cali Daahir ayaa hadalkiisa kusoo xiray in sharciyada ah in Wado la xiro ama la furo uu leeyahay Duqa magaaladda maanta Laga bilaabana aan La ogolaan Doonin in wado xirnaato Kuwa Xirana Si dhaqso ah loo Furo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com