XOG 103 Xildhibaan oo saxiixay MOOSHIN xilka looga qaadayo madaxweyne Uhuru KENYATTA

Nairobi (Caasimada Online) – In ka badan 105 xildhibaan oo ka tirsan baarlabaanka Kenya ayaa saxiixay moshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Xildhibaanada ayaa ku soo eedeeyay Uhuru Kenyatta in uu ku xadgudbay dastuurka dalka.

Xildhibaanka John Mbadi oo ah ninka hoggaaminaya mooshinka ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay qaabka uu u socdo mooshinka uuna rajaynayo in la soo gabagabeeyay dhamaadka isbuucaan.

Dastuurka dalka ayaa qaba in ugu yaraan seddex dalool hal dalool 349 in aay taageeraan mooshinka inta aan la horkeenin baarlabaanka si looga doodo.

“Kuwii ku fekerayay in aay ciyaar tahay mooshinka! si weyn uga cabsada, waayo tareenkii wuu ka tagay saldhiga goor hore” Ayuu yiri Xil Mbadi, kaasoo ah madaxa xisbiga ODM.

Wixii macluumaad ah oo soo kordha goor dhaw ayaan idinla socodsiin doonaa

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com