DAGAAL CULUS OO KA QARXAY GAL-GADUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal Khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacay Tuulada Bari ujeed oo qayaastii 100 KM u Jirta Magaaladda Guriceel, waxaana la tilmaamayaa inuu ahaa mid u dhexeeyay laba beel oo halkaasi wada dega.

Inta la ogyahay Laba ruux ayaa ku dhimatay dagaalka, Laba kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac, waxaana iminka la soo warinayaa in Dagaalka uu istaagay, walow ay taagan tahay cabsi laga qabo inuu dib u qarxo mar kale.

Odayaasha Gobolka ayaa wado qorsho lagu dhex dhexaadinaayo Beelaha uu dagaalka ka dhex curtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com