Goorta lasoo gabagabeynaayo shirka Cadaado iyo liiska musharaxiinta oo la soo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu maalinimadii shalay si hordhac ah u furmay shirka maamulka loogu sameynaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo wakhtiga lasoo gabagabeynaayo shirka.

Sheekh Cumar Cali Rooble, Afhayeenk Gudiga oo u waramaayay Warbaahinta maxaliga, ayaa sheegay in 45 cisho gudaheed ay kusoo gabagabeynayaan Shirka Magaalada Cadaado ee dhismaha Maamulka labada Gobol.

“Odayaasha soo xulaya Ergada dooraneysa Madaxda Maamulka, waxaan u sameyneynaa tababar la xiriira qaabka ay usoo xulayaan Ergada si Maamulka uu u noqdo mid tayo leh”

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka furay Magaalada Cadaado Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, isagoona Odayaasha ku dhiiragaliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha horyaalla.

Dhanka kale, gudiga ayaa soo bandhigay tirada Musharaxiin ee iminka u diiwaan gishan waxaana kamid ah:

1-November 27, 2014: Cabdisamad Nuur Guuleed: Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa noqday murashaxii ugu horeeyay ee Jagada maamulka gobolada dhexe isu soo taago.

2-December 11, 2014: Amb. C/raxmaan Maxamed Nuur (Diinaari) ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa uu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan Maamulka Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, kaasoo dhowaan lagu wado in la doorto.

3-December 19, 2014: Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ah Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu murashax ka yahay Maamulka gobolada dhexe.

4-December 20, 2014: Axmed Macalin Fiqi oo horay u soo noqday Taliyaha nabad sugidda ayaa Xaflad balaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ku sheegay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee gobolada dhexe, Axmed Macalin Fiqi oo ahaan jirey agaasimihii hey’adda nabad sugidda qaranka waxaa uu sheegay in kalsooni uu ku qabo dadka gobolka isla markaana uu noqon doono Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe.

5-December 22, 2014: Cali Cabdulle Axmed Tooyo: xaflad balaaran oo lagu qabtay magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa musharnimadiisa soo bandhigey musharax cusub oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Axmed Tooyo.

6-December 23, 2014: Abdiwali Jama Warsame ayaa isa soo taagay tartanka madaxtinimada Gobolada dhexe.

7-December 31, 2014: Wasiirka Amniga ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Daahir Muxumad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimada ee maamulka loo yegleelayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

8-January 1, 2015: Col. Xasan Maxamed Qalaad, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo caan ka dhex ah siyaasadda dalka Soomaaliya islamarkaana qeybo badan kaga soo jiray siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimada gobollada dhexe.

9-January 1, 2015: Musharax Bashiir Aadan Cali Danan ayaa ka mid noqday Musharixiinta Gobolada Dhexe.
10-April 12, 2015: Marwo Dahabo Cabdi Maxamed (Dahabo Cuud ayaa isku soo sharaxday xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo noqotay Haweeneydii u horeysay oo musharax ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com