Maxaad ka ogtahay shuruudii uu Xasan Sheikh uu aqbalay si loo furo shirka gobollada dhexe

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab qabyo ahaan u furay shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe ee degmada Cadaado, kadib laba maalmood oo uu dood adag iyo wadahadal kula qaatay dhinacyada Cadaado ku sugan.

Furitaanka shirka ayay ogolaadeen maamulada Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Ahlu sunna-da ku sugan Cadaado kadib markii madaxweynaha uu aqbalay shardi ahaa in arrinta caasimadda maamulka Gobolada Dhexe ee muranku ka taagnaa looga hadlo shirka oo go’aan ay ka gaaraan ergada.

Madaxweynaha ayaa culeyska ugu weyn saaray inuu rasmi ahaan u furo shirka wax kastoo dhaca, kadibna wixii khilaaf ah lagu xaliyo shirka dhexdiisa. Arrintan oo fursad u noqotay inuu madaxweynuhu kasoo laabto Cadaado isagoo shirka furay kana badbaaday inuu si caddaan ah u jebiyo go’aankiisii hore.

Furitaanka shirka ayaa ah mid ku kooban khudbado laga jeediyay madasha, iyadoo aanay joogin beelo dhowr ah oo degaanka ah, kuwaasoo caadiyan ka horjeeday Cadaado, waxaana wax waliba dib loogu dhigay marka shirka la furo kadib.

Tirada ergada sida loogu qeybinayo 12 beelood oo maamulka gobolada dhexe hoos taga ayaan weli la qeybin, waxaana jira khilaafaad waaweyn oo dhex yaala beelaha oo qaar ka mida aan wax dib u heshiisiin ah la dhex dhigin. Furitaanka shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa loo arkaa horumar bilow ah oo culeysyo badani ka danbeyn doonaan.

Isha: Goobjooge