Fashil shalay ka dhacay garoonka Adan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay dhistay shirkadda FAVORI ee Turkiga ah ayaa u adkeysan waayay tijaabadii ugu horeysay ee dabiici ah, kadib roob ka da’ay magaalada Muqdisho darteed uu soo if baxiyay ceebtii ugu horeysay ee Terminalada cusub.

Saqafka hore ee inta badan Terminalka ayaa soo daayay roobkii, iyadoo xitaa qeybta VIP ay dhacday inay celin weyso roobkii meel dhexaadka ahaa ee shalay ka da’ay Muqdisho. Waxaa la arkayay xafiisyada ku dhex yaala dhismaha cusub oo iyaguna daad gudaha u galay, sida xafiiskii Agaasimaha waaxda socdaalka iyo xafiisyo kale.

Arrintan oo dad badan yaab iyo amakaag ku noqotay ayaa nasiib darro ku soo beegantay xilli uu garoonku mashquul ahaa, isla markaana ay ku sugnaayeen wafdi Mareykan ah, wafdigii Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiiro badan oo soo dhoweyn iyo is muujin u tegay garoonka.

Injineerada shirkadda Favori ayaa loogu yeeray si wax looga weydiiyo waxa ka dhacay garoonka, waxayna sheegeen inay qiimeyn ku wadaan arrintaasi ayna jawaab ka keeni doonaan ciladda dhismaha garoonka.

Dhinaca kale dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan ee garoonka ayaa daad badani buux dhaafiyay taasoo keentay in diyaarado dhowr ahi ay ka soo degi waayaan garoonka oo qaarkood hawada ka noqdeen intii roobku socday, shirkadaha duulimaadyadii baajiyay waxaa ka mida Turkish Airline.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiso
Caasimada@live.com