Goormay dhammaan madax u salaaxida P/land?

Waxaan xasuustaa beri samaadkii aan Xamar ku nooleyn in ay jirtay halku dhigyo ay dhalintii xiligaas ay isticmaali jireen kuwaasoo kala ah: Waa la dardaray hebel – Waa laga dhexbaxay- Hebel hilfahaa loo qaaday iwm.

Waxaa ka soo wareegtay waqti aad u fog balse waxaa isoo xasuusiyey hadaladaas markaan maqlo amaba aan aqristo hadalada ka soo yeera madaxda Puntland iyo habka ay ula dhaqmayaan dowladda federaalka ah. Marar badan ayaan is iri waa isla ciyaalkii Xamar oo siyaasiyiin noqday oo ka soo jeestay dhulkii ay u dhasheen, sababtoo ah waa xariiftan iska cad oo ku dhisan reer magaalnimo.

Bal dib u eeg inta ay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland isla soo mareen iyo sida mar-kastaba shuruudaha ay keensadaan loogu yeelayo. Ma yara inta jeer ee la dardaray dowladda federaalka oo laga dhameestay waxyaabo aan u cuntamin balse lagu fasiri karo sadbursi iyo caddaalad darro.

Mar mar waxaan ku fikiraa reer magaalnimadii madaxda Puntland in ay gaaratay in dowlada shisheeye xitaa laga dhaadhiciyey wax aan jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn. Nin aan saaxiib dheer ahayn ayaa mar si kaftan ah igula kaftamay dardarka siyaasiyiinta iyo taageerayaasha reer Puntland taasoo oo iigu sheegay in qabaa’ilada kale siyaasiyiintooda iyo aqoon yahaanadooda aadan arkeen iyagoo is abaabulaya oo isku dayaya in ay la kulmaan madaxda waddankaas ay joogaan si ay ugu dhaadhiciyaan danta ay rabaan, ama haka ahaato ilaah ka cabsi ay diidayaan beenta ay dhoodhoobayaan amase haka ahaato Soomaali jaceyl- amaba aysanba waqti u haynin howlahaas.

Dhinaca kale waxaad arkeysaa siyaasiyiin iyo indheer garatada reer puntland ay 24 hours ku fikirayaan yaan la kulanaa wiiggan ? illaa ay madaxda waddankaas ay ka dhaadhiciyaan danahoodana aysan marnaba joojineen kulanada. Gar iyo gardarroba waa in ay ku qasbaan dhinac kastoo tahayba danta ay leeyihiin, waana la arkay marar badan in ay si khasab ah ay ku soo dhacsadaan xaquuq aysan lahayn balse looga aamusay yeysan wax kaloo ka darin aysan dhicin.

Taas ayaan ku soo xasuustay hab dhaqankii ay ciyaal banaadir amaba ciyaal xamar ay isticmaali jireen marka ruux si sir ah amaba ka duwan looga dhexbaxo amaba loo dardarro. Su’aasha weyn oo aan jawaab wali u helin waxay tahay: maxaa xili kasta maamulka reer puntland ay uga qayla dheer-yihiin amaba afkooda uga badan yahay waxbaa naga maqan iyo nalama tix-gelin iyadoo ay jirto in ay sadbursi badan ay ku hayaan dowladda federaalka gaarsiiyana in la moodo in ay yihiin dowlad la mid ah dowladda federaalka. Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadan in madaxda reer Puntland ay dib isugu laabtaan ayna safka kala sinmaan maamulada kale ee iyaga la midka ah oo aan wax cabasho ah aan laga hayn balse ku qanca waxa ay dowladda federaalka ah ay nasiibka ugu yeeshaan.

W/Q: Mohamed Warsame
banaadir2014@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid