FADEEXAD: Ciidamada madaxtooyada Puntland oo la baxsaday eedeysane uu xukun ku socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Maxkamada Nugaal ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Madaxtooyada Puntland ay gudaha u galeen Maxkamadaasi, islamarkaana awood kula baxeen Maxamed Cabdi Cabdullaahi oo lagu xakumay Mudo Seddex sano ah, kadib markii uu dhacay dooni.

Maxbuuskaani awooda loogala baxay Maxkamada xili uu goobta fadhiyay qaadiga ayaa waxa uu sanadii 2009-ka dhacay Dooni ay saarnaayen malaay farabadan.

Waxaa isla markiiba uu xukunka dhacay soo gaarey Maxkamada laba gaari oo la sheegay in ay ahaayeen ciidanka Madaxtooyada Puntland, waxaana ay gudaha u galeen Maxkamada dacwadu ka socotey, waxaana ay gaari ku riteen Maxamed Cabdi Cabdullahi oo maxkamadu ku xukuntey saddex sano oo xabsi ah, horeyna reerkiisu u soo qabteen si xal looga gaaro dacwaddan muddada dheer socotey.

Dhacdadaani ay Ciidamada ka dhex fuliyeen Maxkamada Nugaal, ayaa waxa ay fajac galisay Garsoorayaash Maxkamada oo xiligaasi fadhiyay, waxaana xusid mudan in Hay’adda Garsoorka ay tahay awooda saddexaad ee Puntland isla markaana madax banaan.

Arrintaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysey taariikhda Puntland ciidamo gudaha u galaan kiis maxkamad dhegeysaneyso ama xukuntey isla markaana si xoog ah ku kaxaystaan qofka la xukumey, taas oo ay fuliyaan ciidamo Dowladda u diiwaan gashan oo qaba direyskii ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com