UAE oo dhameystiraya dastuurka qabyada ah !!

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Emirate-ka Carabta, ayaa waxay balanqaaday inay dhameystiri doonto Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, ka hor inta aanu sanadkan (2015-ka) dhammaan.

Hirgelinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa waxa uu qayb ka yahay hiigsiga sanadka 2016-ka, oo lagu wado in doorasho afti dadweyne ka qabsoomto dalka Somaliya. Sida uu qorshuhu ahaa, ayay ahayd in sanadkan afti dadweyne loo qaado Dastuurka, ka hor inta aan la gaarin sanadka 2016-ka, taasina waxaad mooddaa in caqabado badan ka hor taagan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, oo ka mid ahaa wefdi uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo toddobadkan booqasho ku tagey dalka Emirate-ka Carabta, ayaa sheegay inay Dowladdaasi ka helayn balanqaadka ah inay bixin doonto dhaqaalaha ku baxaaya dhameystirka Dastuurka Somaliya.

Wasaaradda Cadaaladda Emirate-ka Carabta, oo iyadu dalkaasi u qaabilsan arrimaha Dastuurka, ayaa waxay wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya u sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doonto Dastuurka.

“Hadda ka dib ayaa waxay arrimaha Dastuurka noqon doonaan kuwo si xoogan lagu dardargelinayo. Laga bilaabo bisha foodda inagu soo heyso ee May. Dhammaadka sanadkan, ayaana u gudbin doonnaa Baarlamaanka Somaliya, si ay dib u eegis ugu sameeyan.” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri “Wasaaraddu waxay ka shaqayn doontaa sidii qof kasta oo Soomaali ah uu gacan kaga geysan lahaa dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka, dal iyo dibadba meesha uu ka jooggo.”

“Guddiga Madaxa Bannaan Ee Dib U Eegista Dastuurka iyo Guddiga Baarlamaanka Arrimaha Dastuurka, waxay labaduba diyaar u yihiin dardargelinta dhameystirka Dastuurka.” Sidaasi waxaa yiri Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen oo la hadlay BBC.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com