25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dagaal qaraar oo ka socda gobolka Hiiraan iyo meydad tuban xaafada Baar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal qaraaran ayaa waxa uu hadda ka socdaa deegaanka Baar oo ku dhow magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran.

Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka culus ayaa waxa uu u dhexeeya laba maleeshiyo oo waayadaani ay ka dhexeysay colaad xal loo waayay.

Dagaalka hadda socda ayaa daba socda xiisad horay ugu dhaxeysay labo beelood.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ayaa la soo warinayaa inay kusii faafayaan xaafadaha deegaanka waxaana sidoo kale barakac wada dadka deegaanka oo ka cabsi qaba inuu saameyo dagaalka socda.

Goobjooge ayaa soo sheegaya in goobta dagaalka ay buux dhaafiyeen dhaawacyo iyo meydad u badan dad shibil ah kuwaa oo ay galaaften rasaasta.

Goobjoogaha ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay meydadka afar ruux iyo dhaawaca Seddex ruux oo shacab ah.

Sidoo kale, xalinta dagaalka socda ayaa waxaa ku fashilmay Maamulka iyo Saraakiisha amaanka Gobolka Hiiraan.

DFS ayaa laba maalin ka hor maamulka ugu baaqday inay qaboojiso colaada ka jirta deegaanka Baar oo ku dhow magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiran.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News