25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

DF oo sheegtay in si fool-xun ay ula dhaqantay Puntland kadib fashilinta…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland ay sabab u noqotay fashilinta shir heer caalami ah oo ka dhacaayay Shiishalis.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi oo ah Wasiirka Wasaaradda Kalluumeyisga DFS ayaa qiray in Puntland ay fashilisay shirkaasi, waxa uuna ku eedeeyay inay ka weecatay Diplumaasiyada.

Wasiirka waxa uu sheegay in shirka looga hadli lahaa Kalluumeysiga Somalia, balse ay nasiib darro noqotay inay fashaliso Puntland.

Waxa uu wasiirka tilmaamay in dhawaan ay magaalada Muqdisho ku yeeshen Shirka Wasiirada Kalluumeysiga maamul goboleedyadda oo looga hadlaayay sida loo qeybsanaayo Kheyraadka badda.

Sidoo kale, wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi, ayaa carab dhabay in waxyaabihii ugu yaabka badnaa uu kamid ahaa in Puntland ay sheegtay in ay qaadanayso Saamiga ay leedahay dowladda Soomaaliya oo kale, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Puntland ayuu sheegay inay si cad uga weecaneyso sharciyada ka jira dalka, waxa uuna wasiirku sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Diplumaasiyada isla markaana ay mudan tahay in DFS looga danbeeyo talada.

Dhinaca kale, DFS, gaar ahaan Wasaarada ayaa ballanqaaday inay ka fiirsan doonto maamulada aan u jilicsaneyn awaamirta DFS.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News