Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay qaab cusub oo uu ula xisaabtamayo howlaha ay qabtaan wasaarada kala duwan ee xukuumadiisa.
Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa ra’iisul wasaaraha dalka u gudbiyay caqabadaha ay la kulmeen iyo qorshe howleedka wasaarada ee 100-ka maalin ee ugu horeyso iyada oo la waafajinayo barnaamijka Nabad iyo Nolol ee dowladda.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mid mid ula kulmay wasiirada xukuumada iyo ku xigeenka, isaga oo ka eegayay waxyaabaha u qabsoomay muddada xilka ay hayaan iyo qorshaha u degsan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in arintaan ay qeyb ka tahay barnaamijka isla xisaabtanka ee xukuumada Soomaaliya, si looga fogaado wax walbaa oo musuq iyo ku tagri fal keeni kara.
Waa markii ugu horeysay oo wasaaradaha kala duwan ee dalka hal hal loola xisaabtamaa, waxaana ra’iisul wasaaraha dalka uu noqonayaa ninkii ugu horeeyay ee sameeya barnaamijkaan.
Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegay inuu socon doono qorshaha isla xisaabtanka dalka si horumar ay u gaarto xukuumadiisa.

