Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in DF ay kulan la qaadatay qaar kamid ah Nabadoonada Beelaha soo xulay Xildhibaanada Mucaaradka ee kasoo horjeeda DFS.
Dowlada Federaalka ayaa la sheegay in Nabadoonada ay ku wargalisay inay wax ka qabtaan Xildhibaanada ay soo xuleen kuna sugan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Mas’uuliyiinta la kulmay Nabadoonada ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin garab ah, waxa ayna warbixino ka dhiibeen sida Xildhibaanada ay u carqaladeynayaan Nabadda iyo Horumarka bilowga ah.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Nabadoonada ka dalbaday in Xildhibaanadooda ay dib ugu soo celshaan magaalada Muqdisho, isla markaana kala hadlaan inaanu iska dhex soocin Xildhibaanada.
Kheyre ayaa Nabadoonada u sheegay in looga baahan yahay inay cadeeyan Mowqifkooda ku aadan Xildhibaanadooda maadaama ay qalqal galinayaan xasiloonida dalka.
Kheyre waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in la qalqal galiyo dowlad iminka Boqol jirsatay, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay doonayaan in wax waliba lagu xaliyo wadahadal.
Sidoo kale, waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Nabadoonada qaar ay magaalada Nairobi kasoo kaxeeyen tirro Xildhibaano oo ku heeb ah, waxaana harsan Xildhibaano kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

