Dagaal Xoogan oo ka dhacay Kismaayo

Faah faahin ayaaa ka soo baxaysa dagaal maanta ka dhacay   Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose  kaas oo udhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo isku dhinac ah iyo maleeshiyo beleed uu ka socda magaalada gudaheeda.

Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka uu ka socdo Xaafada calanleey ee Kismaayo halkaasi oo ay isku foodsaareen dhalinyaro la sheegay inay isbaaro dhigteen iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sida wararka ay sheegayaan dagaalka  ayaaa wuxuu ka socdaa Xaafada Calanleey gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada halkaasi oo labada dhinac ay ku dagaalamayaan islamarkaana ilaa iyo iminka aan lasoo kala dhexgalin.

Kahor inta uusan bilaaban dagaal ayaa wararka sheegayaan in dhalinyarada isbaarada dhigtay qaar kamid ah eheladooda loo sheegay inay halkaasi ka qaadaan isbaarada hayeeshe taasi ay ka dhaga fureesteen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo iminka aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyaadka ah.