Real vs Man U, Arsenal vs Bayern isku aadka UCL oo la sameeyey

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions League ayaa la sameeyey iyadoo uu ka dhacay magaalada Nyon, ee dalka Switzerland maanta oo Khamiis ah.

Kooxda heysata horyaalka Primera Division Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda Ingiriiska ah ee Manchester Uniyed, Cristiano Ronaldo ayaana kusoo laaban doona garoonkii uu ku barbaaray ee Old Trafford.

Intaas waxaa sii dheer, kooxdii koobka ku guuleysatay 2011 Barcelona ayaa wajaheysa kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan.

Kooxdii sandii hore soo gaartay Finalka Bayern Munich ayaa qaabili doonta wiilasha Arsene Wenger ee Arsenal iyagoo isha ku haaya inay shan sano gudahood sedax jeer Finalka higsadaan.

Kooxda awooda badan ee Serie A Juventus ayaa garka la geli doonta kooxda Celtic lugta hore ee wareegta 16ka, halka ay Schlke la kulmeyso kooxda Turkiga ah ee Galatasaray.

Kulamada hore ee Group-ka waxaa la ciyaari doonaa 12-13 iyo Janaayto halka kulamada labaad la ciyaari doono 19-20 waxayna kooxduhu Lugta kulamada labaad ee Group-ka ciyaari doonaa 5-6 March halka ay sidoo kale ciyaaraha kulamda labaad dheeli doonaan 12-13 March.

Isku aadka wareega seeded dhamaadka waxaa la qaban doonaa 15ka March, waxaana Finalka 25ka May lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions Lague  waxaa loo sameeyey sida tan.

Real Madrid vs Manchester United

AC Milan vs Barcelona

Arsenal v Bayern Munich

Arsenal v Bayern Munich

Galatasaray v Schalke

Shakhter Donestk v Borssia Dortmund

Valencia v Paris Saint-Germain

FC Porto v Malaga

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Mogadishu.