Saraakiil La dalacsiiyay iyo Xuska Maalinta Booliska oo la soo xiray.

Magaalada Muqdisho  waxaa goordhow gaar ahaan xarunta Generaal kaahiye  lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldagaye xuska 69-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadan ciidanka Booliiska maanta loo dhigay ayaa waxa ay aheyd mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan uguna horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno kale.

Generaal Shariif Sheekuna Maya  oo ah Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu shegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ka shaqeeyaa Nabada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed dhibaatooyin adagna la kulma.

Maye wuxuu sheegay in sanadkaan oo kaliya ciidamada Booliiska Soomaliyeed ay fashiliyeen qaraxyo kala duwan oo gaarayaa 150-islamarkaana ciidamada Booliiska ay ku guuleesteen arintaas.

Waxaa halkaasi bilad sharaf lagu  waxaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee halganka Dowladda usoo galay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya oo isna dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidmaada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ay qabteen shaqooyin wanaagsan mudnaana ay uleeyihiin in la abaalmariyo.

Ra’iisul Wasaaraha  wuxuu sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaalayso sugida dhanka ammaanka Muqdisho iyo ilaalinta xuquuqda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

W/D: Cabdiweli Maxamed Ilkacase

Tell:  8885943