Dagaal xoogan oo ka qarxay gobolka GALGADUUD iyo wararkii ugu dambeeyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta markale dagaal beeleed uu dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Shilan ee hoos yimaada degmada Balamballe ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku hayaa dhul ku yaala deegaankaas, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Illaa inta hadda la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku geeriyoodey hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid ay haween tahay, waxaana weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka lagu dagaalamay.

Dagaal Beeleedyada ayaa inta badan ah kuwo ku soo laab laabtay deegaanada hoostaga degmada Ballanbale iyo guud ahaanba gobolka Galgaduud.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in saacadaha soo socda ay deegaankaas gaari doonaan ciidamo uu maamulku ugu talo galay inay kala dhex galaan labada dhinac ee dagaalamay.