Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tagay Sheekh Shariif iyo arrin ay isla qaateen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku hooqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheikh Axmed oo dhawaan walaac xoogan ka muujiyey habsami u socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii uga warbixiyay Madaxweynihii hore ee dalka halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay geedi socodkeeda.

Rooble iyo Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac ay ka dayriyeen mucaaridka.

Labada mas’uul ayaa waxay isla qaateen sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu waxa uu xalay habka fogaan araga kulan kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka heer federaal.