Daawo: Ehellada dadkii ay dishay AMISOM oo war kasoo saaray xukunkii maanta, shaaciyeyna arrin kale

Muqdisho (Caasimada Online)-Ehellada dadkii ay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayeen ciidanka AMISOM ayaa war ka soo saaray xukunkii maanta lagu riday shan xubnood oo askar iyo saraakiil isugu jira, kuwaas oo maxkamadi ku heshay dembiga ah inay si ula kac ah u laayeen dadkaas shacabka ahaa.

Ehelladu waxay aad u soo dhaweeyeen xukunka maanta lagu riday askartii iyo saraakiishii dishay dadkaas, sidoo kale waxay shaaciyeen in hadda kadib ay bilaabayaan raadinta mag-dhawga dadkaas ay dishay AMISOM ee maanta la xukumay askartii dishay.

“Dadka la dilay waxay leeyihiin xuquuq magdhaw ah, hadda waxaan noo bilaabanaya magdhawga dagaalkiisii, waxaan ku doodi doonaa in dowladda Uganda dadkaas sida sharci darrada ah loo dilay ay siiso magdhaw u qalma, hadii ay Uganda iska bixin weyso magdhawgaas waxaan ku qaadi doonaa shuruucda caalamiga ah, dadkeenu ma noqon doonaan xoolo la dilay, cid ka baxsan karta malaha shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ehellada dadkii la dilay.

Ehellada oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay si joogto ah uga qeyb galayeen maxkamadeynta askarta AMISOM oo ka socotay xerada Xalane, waxayna sheegeen inay ku qanceen hanaankii uu u dhacay xukunkaas.

“Maxkamadaas oo ka koobneyd 20 qof oo shan xeer ilaaliye iyo afar qareen ay ku jiraan oo ciidan iyo saraakiil badan ay ka qeyb galeen, waxaa si joogto ah uga qeyb gelayey anagoo afar qof ah oo ehellada dadkii la laayey ka mid ah,” ayuu yiri afhayeenkii u hadlay ehellada.

Maxkamadda ayaa 5-tii bishaan ka furantay Xalane, waxaana shalay oo Khamiis aheyd la soo saaray habka degmiga loogu helay askarta iyo saraakiisha AMISOM, iyadoo maanta oo Jimco aheyd lagu dhawaaqay xukunka raggaas lagu helay dembiga.

“Shanta nin ee dembiga lagu helay laba kamid ah waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, halka seddaxda kale lagu xukumay 40-sano oo xabsi ah, waxaa xukunsanayaasha la siiyey inay racfaan ku qaadan karaan 14-cisho, waxaan goobjoog u aheyn in sidii askartaas ka tirsan AMISOM ay sharafta uga dileen dadkeenii, si lamid ah maanta horteena ayagana sharafta looga dilay, saraakiishii horteena ayaa garaadihii looga rifay, askar ayaa lagu sii daayey, horteena ayaana lagu jeebeeyey,” ayuu yiri Afhayeenka ehellada dadkii ay AMISOM ku leysay Golweyn.

Hoos ka daawo.