Dhageyso: Guddoomiyihii Maxkamadda Al-Shabaab ee Kuntuwaarey oo is dhiibay

Qoryooley (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya guddoomiyihii maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Kuntuwaarey oo caawa iska dhiibay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Macalin oo Al-Shabaab looga dhex yaqaanay Abuu-Cali ayaa waxaa sawirradiisa soo bandhigay maamulka degmada Qoryooley oo uu isku soo dhiibay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooley Sayid-Cali Ibraahim ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in sarkaalkaan uu si iskiis ah isugu soo dhiibay.

Maxamed Xasan Macalin (Abuu-Cali) ayaa la sheegay kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa maxkamadeynta dadka ku nool Kuntuwaarey iyo deegaanada hoos taga.

Guddomiyaha degmada Qoryooley ayaa laga soo xigtay in isisoo dhiibitaanka sarkaalkaan ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan  degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mudooyinkii dambe waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo aan si dhab aan loo ogeyn sababta ka dambeysa arrintaan, gadana dad badan oo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada kooxdaan waxay qabaan in nolol adag ay wajahayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee duurka ku jira.

Hoos ka dhageyso wareysiga