Muxuu yahay qorshaha ka dambeeya casuumadda ay Finland u fidisay Somaliland?

Helsinki (Caasimada Online) – Wafdi ka socda maamulka Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa gaaray magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxayna faahfaahin ka bixiyeen qorshaha ka dambeeya socdaalkooda.

Guddoomiye Cali Xaamud oo hoggaaminaya wafdiga gaaray magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Finland, sidaasna ay ku tageen.

“Waxaan dalkaan u nimid inaan ka wadahadalno sidii Somaliland iyo Finland aan aad isugu soo dhaweyn laheyn, beryahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynay, waana ay nala qaateen, waxay sidoo kale nala qaateen inay nagala shaqeeyaan dimoquraadiyadeynta Somaliland, waxay naga aqbaleen inaan wada dhisno saaxiibo aan ku yeelano baarlamaanka Finland,” ayuu yiri Cali Xaamud.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jabriil ayaa sheegay in casuumaadaan ay ku tageen Finland ay ka heleen baarlamaanka dalkaas, isla markaana ay halkaas u joogaan inay heshiisyo la galaan dowladda Finland.

Dowladda Soomaaliya ayaan aad  jecleyn dowladaha isku daya inay saaxiib la noqdaan Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaana la xasuustaa inay xiriirka u jartay, qaarna xiriirka u gaabisay dowlado ay ku jiraan Kenya iyo Geni oo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo wareysiga