Yey yihiin xubnaha la sii ogyahay guushooda ee doorashada Galmudug?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaa maanta ka dhaceyso doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu soo xuli doono labada Senatar ee ku harsan Galmudug ayaa haatan qaban qaabadeeda waxa ay ka socotaa gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Illaa afar musharrax oo kusoo baxay liiskii uu soo saaray Qoor Qoor ayaa ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa halkaasi.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in guusha doorashada loo saadaalinayo inay kusoo baxaan musharixiinta kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo horay uga tirsanaa Golaha Aqalka Sare iyo Cabdi Cismaan Xareed oo isna u dhow Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystireysa doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Si kastaba, waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada Soomaaliya, iyada oo sidoo kale dhowaan la guda galay mida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.