Waa kuwee magaalooyinka lagu arkay hubka ay IRAN soo gelisay Soomaaliya?

Garoowe (Caasimada Onine) – Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay kula dagaalamayaan dowladda taagta daran ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaddan Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud.

Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

“Hubka ka yimaada ee ka ganacsiga hubka ee Iran iyo Yemen ayaa ka soo gala Soomaaliya dhankaas,” ayaa lagu yidhi daraasadda oo la soo saaray Arbacadii.

“Iran waxay si isdaba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, caddaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda ay bixiso dawladda Iran.”

Sida lagu sheegay warbixinta goobaha ku yaalla Soomaaliya ee ay sheegeen, waxaa ka mid ah Beledxaawo, Doolow, Ceelwaaq, Baardheere.

Sida oo kale Puntland ayaa si gaar ah loo xusay gaar ahaan Garoowe, Galdogob, Gaalkacayo, sida oo kale goobaha ay badanaa isku maandhaafsna yihiin Somaliland iyo Puntland ayaa iyana si gaar ah u warbixintaas uga dhex muuqdo sida Laascaanood, Tukaraq, Xuddun iyo Badhan.

Intii u dhaxaysay Febraury iyo March sannadkan 2021, Puntland waxay la kulantay hub aan caadi ahayn oo aad u sarreeya oo ka imanayay Yemen, sida la sheegay dalabka oo sarreeya awgeed.

Waxaana arrintasi sii huriyeen colaadaha salka ku haya beelaha ee Puntland ka dhaca ayaa warbixinta lagu sheegay iyo sidoo kale degenaansho la’aanta siyaasadeed.

Tirada ugu badan ee hubka sharci darrada ah waxaa lagu arkay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Soomaaliya waxaana yaallay 97 hub ah (23.3 boqolkiiba wadarta) ay diwaan gelisay haayaddaasi.

“Hubka faraha badan ee la xiriira dagaalka Yemen ee ka socda Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeelan kara ammaanka Puntland iyo guud ahaan dalka iyo sidoo kale dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya,” ayaa warbixintaas lagu soo gabagabeeyey.