Dagaal-yahanada Al-Shabab oo qabsaday degmada Balcad

Balcad (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka saacado kooban la wareegay degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo Muqdisho dhanka Waqooyiga uga beegan 35km, kadib dagaal ay la galeen ciidamada maamulka. 

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada iyo Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.

Intii uu dagaalka socday ayaa qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo laba ka mid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ma jiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, inta aan ognahay.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay qabsashada magaalada, waxayna intaas ku dareen inay hal askari ku dileen, saddex kalena dhaawaceen.

Waxay sidoo kale sheegteen inay gacanta ku dhigeen gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, islamarkaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada oo markii hore aaday dhinaca Xaafada Xaawa Taako.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii