Ammin dheer ayaa geyiga Soomaaliyeed dagaal ka socday, dagaalkaasoo la kowsaday gobonnimadii Soomaaliya iyada oo 4 jir ah, ayaa dagaal culusi dhexmaray 1964-65 dowladdii Madaxweyne Aadan Cadde hoggaaminayey iyo Xabashida.
Dagaalkaasi ma ahayn kii Soomaali iyo Xabashi dhexmara kii ugu horreeyey, ee dagaal dowladnimo lagu galay kii ugu horreeyey ayuu ahaa.
Waxaa jiray dagaallo dhexmaray Boqortooyadii Ajuuraan iyo Xabashida, sidoo kale Boqortooyadii Adal iyo Xabashida, Boqortooyadii Immaamatu Hiraab iyo Xabashida, Dagaalyahankii Sheekh Xasan Barsane iyo Xabashida, Dowladdii Soomaaliya iyo Xabashida.
Soomaalidu cadowga koowaad ee ay lahayd waxa uu ahaa Xabashi, marar badan oo lays fara saarayna Soomaalida waxaa ka hiiliyey dowladdo Yurubiyaan iyo reer Galbeed ah, sida Boortaqiiska oo 1420meeyadii la safnaa Xabashida iyo Ruushka iyo Soofiyeetkii oo lays fara saaray 1977/78.
Kaddib burburkii Dowladdii Rajiimkii keligii taliye ahaa waxaa dhacay dagaallo beelaysan oo u dhaxeeyey beelaha Soomaaliyeed, dagaalladan oo burburiyey guud ahaan dalka abuurayna qalalaase iyo colaad sokeeye oo ballaadhan.
Kala qixii iyo kala cararkii bulshada Soomaaliyeed waxaa fursad helay dalal markii horeba dano gaar ah ka lahaa dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo si weyn u dhiirigelin jiray colaadaha sokeeye iyo inay kala dilaan bulshada Soomaaliyeed.
Iyadoo sidaasi jirto ayaa bulshada Soomaaliyeedna waxgaradkeedu dedaal ugu jiray yabyab iyo dib u dhis dowladeed si haykalkii iyo muuqalkii dalka iyo dadka dib loogu soo celiyo.
Halkaa markii arrin marayey waxaa la abuuray kooxo xagjir ah oo xambaarsan magaca diinta islaamka, kuwan oo habkii hore iyo hawlihii la yaqaanay kuwo ka duwan la gole yimid.
Soomaalidu waxay isku dili jirtay, dakano iyo daano kala gaadha, deegaan iyo ceel laysku qabsado, hanti iyo haween iwm.
Wixii ka dambeeyey 80meeyadii waxaa bilowday dagaal siyaasadeed beelaysan oo ay hadba beesha xukunka haysaa iyadu dowladeyso kuwa kalena mucaarad hubaysan noqdaan.
Arrinkan waxaa aas aaskiisa lahaa ciidankii Af gambiyey dowladdii shacabka 1969kii, kuwaasoo isu bahal geliyey dadkii Soomaaliyeedna kalsooni xumo iyo nacayb dhex dhigay, jeer ay abuurmeen jabhaddo beelaysan oo ugu dambayn 1991 xilka ka tuuray Rajiimkii kelitaliska ahaa.
Hadda maanta 2025 waxaa socda dagaal ka dhan ah kooxaha xagjirka kaasoo ay dowladda Federaalku bilowday sannad iyo dheeraad ka hor, isagoo ay ciidanka xoogga ee dowladda Federaalka iyo dadka deegaanku duulaan ku qaadeen kooxaha xagjirka ah ee banneysta dhiigga bulshada Soomaaliyeed.
Hadda waxaa dhawaan ku dhiiraday gobollada Bariga Soomaaliya iyo maamulkooda iyagoo raacay isla jidkii dowladda Federaalku jeexday ee ahaa in ciidanka maamulka iyo kuwa deegaanku duulaan ku qaadaan kooxo tiro ahaan ka yar Alshabaab oo ku dhuumaalaysanayey dhawr buurood ee u dhaxeeya gobolka Bari iyo Sanaag.
Ugu dambeyn dagaal ay dhanka cirka ka taageerayaan dowladdaha Soomaaliya la saaxiibka ah iyo ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dadweynaha ayaa ku guuleystay inay ka adkaadaan kooxda Daacish oo dhibaato ku haysay gobollada Bari iyo Nugaal.
Hubaashii dhiiranaantii ciidanka xoogga iyo Macawisley waxa ay noqotay mid lagu daydo.
Keliya waxaa hadda aan tallaabo muuqata qaadin gobollada Koonfur galbeed iyo Jubbooyinka oo ay weli ku sii hadhsan yihiin kooxaha Alshabaab kuna leeyihiin awood muuqata.
Dagaalka Argagixisadu waxa uu marayaa gebogebo, libinteeda iyo ammaanteedana waxaa leh dowladda Federaalka oo iyadu bilowday dadweynaha ku dhiirigelisay.
Cabdiraxiin H Galayr