Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo lugaha la galay France iyo Turkey iyo wararkii ugu dambeeyey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada “aan laga fiirsan ee halista ah,” ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo “qabsashada” gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii.

“Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga.

“France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri.

Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.”
Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay ugu baaqay Armenia inay si deg deg ah uga baxaan dhulka Azerbaijan ee ay soo galeen, si loo dhameeyo dagaalka u dhaxeeya labada dal.

“Waxaa la gaaray waqtigii lasoo geba-gebeyn lahaa xasaradda gobolka, oo ka dhalatay markii la qabsaday Nagorno-Karabakh. Gobolka mar kale ayuu nabad heli doonaa haddii Armenia ay si deg deg ah uga baxdo dhulka Azeri ee ay haysato,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Istanbul.

Armenia iyo Azerbaijan oo labadaba horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed la xiriira gobolka Nagorny Karabak, oo ay marar badan ku dagaalamee, uguna dambeysay 2016.

Gobolkan ayaa madax-banaani ku dhowaaqay horraantii sagaashamaadkii kadib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 30,000 qof, balse ma jirto cid aqoonsan, xitaa Armenia, balse caalamka ayaa u aqoonsan inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof.

AFP + VOA