Dagaalka Ethiopia oo weji cusub galay iyo ciidanka Abiy oo weeraray gobolka Amhara

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia iyo xulufadooda ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday mucaaradka Tigray ee ku sugan gobolka waqooyi ee Amhara, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareeydada, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tigray-ga. 

Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono “sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas.

Wakiilada gobolka Amhara, saraakiisha federaalka iyo militariga ayaa diiday inay ka hadlaan howlgallada oo ka billowday aagga waqooyiga Wollo iyo goobo kale.

Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigrayga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. 

Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wuxuuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay “musiibo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. 

Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus uu hadda dib u qarxi karo maadaama uu dhamaaday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi.