Madax goboleedyada oo qaatay go’aan caqabad cusub ku noqon kara doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda mamaul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya inaysan doorashada golaha shacabka ku qaban karin laba magaalo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Heshiisyadii doorashada ee September 17 iyo May 27 ayaa labaduba dhigaya in doorashada golaha shacabka ay ka dhacdo laba magaalo halkii maamul goboleedba.

Doorashada Golaha Shacabka, oo la filayo in toddobaadyada soo socda la guda galo, ayada oo doorashada Aqalka Sare inta badan lasoo dhameeyey, ayaa xubno ka mid ah madax goboleedyada waxay ku wargeliyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo wakiilada beesha caalamka inay aad ugu adag tahay inay laba magaalo doorasho ku qabtaan.

Madax goboleedyada illaa hadda wakiilada beesha caalamka ku wargeliyey arrintan ayaa kala ah; madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni. Waxaan weli caddeyn mowqifka madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen.

Wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa maalmihii tegay socdaal ku tegay qaar ka mid ah caasimadaha maamul goboleedyada, si ay arrimahan ugala hadlaan madaxda maamul goboleedyada, ayada oo ay ugu dambeysay toddobaadkii tegay oo ay tageen magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo Guudlaaawe ayaa si cad u sheegay in xaaladaha ka jira Garbahaarey iyo Beledweyne aysan u saamaxeyn inay halkaas doorasho ku qabtaan, halka Saciid Deni uu ku dooday in laba magaalo oo doorasho lagu qabto ay tahay culeys aad u weyn.

Madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul Rooble ayaa la filayaa inay arrintan go’aan ka gaaraan marka lasoo dhameystiro doorashada Aqalka Sare, oo hadda ay harsan yihiin oo kaliya maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubaland.