Muxuu noqon karaa go’aanka ICJ, kadib tallaabadii Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan oo ku beegan Talaadada todobaadkan inay ku dhowaaqdo xukunka kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo muddo dheer soo jiitamayey.

Yuusuf Cabdi Faarax oo ah Garyaqaan deggan magaalada Melbourne ee wadanka Australia, isla-markaana la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay kiiskan waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, maadaama Kenya ay shaacisay in aysan aqbali doonin xukunka la filayo inay riddo maxkamadda.

Garyaqaanka ayaa marka hore qiray in biyaha ay muranka gelisay Kenya ay leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay Kenay dooneysay inay dalkeena uga faa’iideysato daruufaha heysta.

“Dabcan badda Soomaali ayaa iska leh, Kenyana shaqo kuma laha ee waxaa dhici kartay daruufaha ay Soomaaliya ku jirto inay kaga faa’iideysan laheyd, laakiinse Kenya way og-tahay in aysan baddaas laheyn,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka maxkamadda uu noqon karo inay dib u dhigo xukunka daruufaha ku geedaaman darteed, ama inay riddo oo ay soo hormariso.

“Xukunka haddii uu soo baxo wuxuu noqon karaa laba nuuc waa dhicii kartaa daruufta maxkamadda in ay dib u dhigto, waana dhici kartaa inay soo hormariso oo waqtigaas la qabtay ay xukunka riddo. Badda Soomaaliya-baa iska leh Kenya waa ku gar-daran tahay ee maxkamaddana waa og-tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysana waa og-tahay,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Kenya ay soo saartay go’aan waali ah oo u muqda inay ku qiraneyso in looga adkaan doono kiiska dacwadda badda Soomaaliya, waxaana  sheegtay inay diiday sharciyadda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u haysato inay qaado kiiskan, waxayna sheegtay inay ka baxday maxkamadda.

Si kastaba, Soomaaliya oo kiiskan geysay maxkamadda ayaa rajo weyn ka leh inay ku guuleysato dacwaddan oo ay horay fadhiyo kala duwan uga yeelatay ICJ.