Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda u dhaxeysa ururka Ahlu-Sunna iyo Galmudug

Guriceel (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay abaabulka ka socdo Magaalada Dhuusamareeb, ee ujeedkiisu yahay in lagu weeraro Magaalada Guriceel, oo toddobaadkii hore ay la wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Xiisadda Maamulka Galmudug kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa u muuqato mid sii xoogeysatay, ka dib is casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada lagu xalinayo khilaafka.

Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Guriceel ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in la barakiciyo dadka deegaanka.

“Dadka rayidka ah inuu barakaco oo xilligan lagu dul dagaalamo oo xabado ka dul dhacaan, oo hooyada iyo dadka waayeelka ah ay barakacaan waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamo ayay dowladdu ku soo daad-gureynaysaa Dhuusamareeb, ciidankaas oo Gorgor, Haramcad iyo Duufaan isugu jira, waxaana lagu soo weerarayaa Guriceel ayaa nala leeyahay, cabsi aad ah ayaan ka qabnaa.”

Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay dadaal ugu jiraan in la baajiyo dagaal ka dhaca Galmudug, balse aanay dhinacyadu u tixgelinaynin doorkoodaas.

“Odayaasha door ayay ku leeyihiin dhibaatooyinka iyo waxyaabaha jira, doorkooda wax ku tixgelinaya oo xubintoodii tabayana way iska yar yihiin,” ayuu yiri Nabadoon Xaashi.

Nabadoonka ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan baaq u jeedino oo niraahno arrintaa ka taagan Galmudug ee maanta soo cusboonaatay wada hadal halagu dhammeeyo ee yaan xabad lagu xalinin, sidaas ayuu dadaalkayagu yahay. Waayahaana waa socdeen colaaduhu, in muddo ah ayay soo jiitamayeen, mid Xananbuure ayay ka taagan tahay, mid Balanballe iyo waxay ka taagan tahay Guriceel, dadka kala daggee ka dhex taagan tahay, dhinacaan nimankii Shabaabka ahaa ayaa waxay soo barakiciyeen dad fara-badan oo soo qaxay, waxyaabahaas oo dhan mashquul soo kordhay weeye.”

Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xiisadda ku xaliyaan wada hadal, oo aan xalka laga raadin qori caaraddii, waxaana uu yiri “Waxaan baaq u jeedin lahayn Dowladda Galmudug in arrintaas ay wada hadal ku xaliso aysan xabad iyo xoog, midna ku xalinin”

Mar uu baaq u jeedinayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayuu yiri “Ra’iisal Wasaare Rooble soo fara-geli arrimaha noocaas ah, qayb libaax ka qaado, ciidamada lagu soo daabulayo oo aan Shabaab lagula dagaalameen ee nimanka Ahlu Sunna ee meeshaan qabsaday loo soo daabulayo, laguna barakicinayo hooyada iyo dhallaanka, soo fara-geli.”

Nabadoon Xaashi ayaa sheegaya in dadka reer Guriceel ay Xoogaga Ahlu Sunna u arkaan nasri ka maqnaa oo dib ugu soo laabtay, isla-markaana aysan yeeli doonin in mar kale ay ka taggaan.

“Waad aragteen oo barraha bulshada waad fiirsateen, dad shacab ahoo baahi weyn u qaba ayaa soo dhaweeyay, maantana laguma qancin karo dadkii shacabka ahaa ee baahida weyn u qabay in la yiraahdo ordaha naga tagga, culeys ayaa noo keenteene,” ayuu yiri Nabadoonka oo intaa ku daray “Waxay aaminsan yihiin nasri u yimid, awalna ka tagay inay yihiin ayay dadka shacabka ah u haystaan.”