Maxay Axmed Madoobe kala hadleen waftigii Mareykanka ee Kismaayo tegay? + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Onine) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qasriga madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socda Mareykanka, isla-markaana gaaray magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo saraakiishan oo uu horkacayey taliyaha howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf ayaa yeeshay wada-hadallo gaara oo saacado qaatay.

Labada dhinac ayaa waxaa kulankooda ay uga arrinsadeen sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo hadal-qaaday xoojinta taageerada uu Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ciidamada.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab iyo tageerada howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliyaha howl-galka Maraykanka ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, isla-markaana sare loo qaadi doono howl-gallada ka socda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulkaasi.

Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya, wuxuuna duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab haatan ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.