Maxaa u furan maxkamadda ICJ haddii Soomaaliya loo xukumo kiiska badda oo ay Kenya u hogaansami weydo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo aaddan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Talaadada soo socota ee 12-ka bishan Octoobar.

Cabdisalaan Cabdi oo ah sharci yaqaan ku nool dalka Kenya ayaa sheegay in markii horaba dowladda Kenya aysan heysan wax caddeyn u ah inay leedahay dhulka ay kula muransan tahay Soomaaliya.

“Kenya waxay kasii hordhacday go’aanka laga sugayo maxkamadda maalinta talaadada ah, waxayna sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda iyadoo ku eedeysay inay maxkamadda la safan tahay Soomaaliya, waan filayey inay sidaas u hadli doonaan waayo Kenya markii horeba caddeyn fiican uma heysan waxa ay isku heystaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdisalaan Cabdi  oo la hadlay BBC.

Cabdisalaan ayaa xusay in wadada kaliya ee Kenya u furneyd ay aheyd inay go’aankaan qaadato maadaama ay ogaatay in looga guuleystay dacwadda, wuxuuna sheegay inay waqti hore sii bilowday cambaareynta Maxkamadda.

Mar wax laga waydiiyey saameynta hadalka kasoo baxay Kenya uu ku yeelan karo go’aanka maxkamadda ee la filayo 12-ka Bishaan ayuu sheegay in Kenya sharci ahaan ay ku qasban tahay inay aqbasho go’aankaan maadaama hadalka kasoo yeeray ee ah inay isaga baxday Maxkamadda ay ka horeysay dacwadda u furan labada dal.

Cabdisalaan oo la waydiiyey tallaabada ay qaadi karto maxkamadda ICJ haddii ay Kenya diido go’aanka kasoo baxayo Maalinta Talaadada ayuu yiri “Soomaaliya haddii loo xukumo lahaanshaha badda, horta maxkamadda awood uma lahan inay iyada fuliso wixii ay xukuntay, balse waxay Kenya ku dacweyn kartaa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxaana ka dhallan kara in cunaqabateyn la saaro Kenya.”