Dagaalka ka socda gobolka Mudug oo xoogeystay + Khasaaraha

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaalka ka socda gobolka Mudug kaasi oo u dhexeeya labada Maleeshiyo hubeysan.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in xoogiisa uu ka socdo Jeexdin oo qoraxsin ka xiga magaalada Gaalakcyo, iyadoo labada dhinac ay isu adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaal xoogan ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo hubeysan oo kasoo kala jeeda deegaanada Galmudug iyo Puntland waxaana la tilmaamayaa in labada dhinac uu soo kala gaaray gurmad farabadan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka ilaa iyo hadda ay ku dhinteen ilaa 9-ruux oo u badan labada dhinac ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka socda ayaa sidoo kale la sheegay inay gaarayaan ilaa 17 ruux oo iyaguna u badan shacabka deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Deegaanka uu dagaalka ka socdo ayaa wuxuu ku aadan yahay Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Geesta kale waxaa weli socda dagaalka waxaana lasoo sheegayaa in leysu adeegsanaayo Hubka culus.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com