Dagaal ka billowday duleedka Gaalkacyo iyo xiisada oo kacsan

Gaalkacyo (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka socdo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka uu bilowday waaberigii saaka ayaa lagu soo waramayaa inuu ilaa iyo haatan ka socdo duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xiisada dagaalka ayaa ka taagan dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo, waxaana maleeshiyaadka dagaalamaya isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo deegaanka Jeexdin oo ku toosan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Lama oga waxyaabaha dhinacyada dagaalamaya ay isku heystaan, balse muddooyinkii dambe waxaa jiray xiisad colaadeed oo ka taaga magaalada Gaalkacyo maadaama Puntland ay xanibtay gaadiidkii koofurta ka tagi jiray.

Khasaaraha dagaalka ayaanan la ogeyn ilaa iyo haatan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com