Xog: Khilaafkii la dafiray ee u dhexeeyey Xasan iyo CC oo soo shaac baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Khilaaf Siyaasadeed uu iminka ka dhex curtay Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali.

Khilaafka oo ah mid cusub ayaa waxa uu soo ifbaxay wxii ka danbeeyay 5, September 2016 oo uu Ra’isul wasaaraha dalka magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax la loolamaaya Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday.

Musharaxnimada Sharmaarke ayaa la sheegay inay lama filaan ku noqotay Madaxweynaha xilka kasii degaaya Xassan Sheekh iyo Kooxda Damul-Jadiid oo la sheegay in haray ay axdi uga heysteen Sharmaarke taa oo salka ku heysay inaanu isu soo taagi doonin xilka Madaxtinimo ee Somalia.

Khilaafka oo ku xeeran damaca kursiga Qaran ayaa waxa uu sara qaaday kala irdhoobida Xassan Sheekh iyo Sharmaarke, waxaana lasoo sheegayaa in socdaalka Ra’isul wasaaraha ee Puntland uu yahay mid salka ku haya carro Siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa horay Madaxweynaha ugu ballanqaaday inuu ku taageeri doono dib usoo laabashadiisa, balse waxa uu Xassan carooday goortii Sharmaarke uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax.

Khilaafka ayaa waxa uu sidoo kale imaaday kadib markii Ra’isul wasaaraha dalka uu labadii bil ee ugu danbeysay adkeeyay xiriirka kala dhexeeya dowladaha deriska la ah Somalia iyo reer galbeedka.

Khilaafka oo maalmahaani ahaa mid la daboolaayay ayaa waxa uu soo shaac baxay kadib markii Ra’isul wasaaraha dalka uu jawaab kulul ka bixiyay caburin ay Xassan Sheekh iyo Kooxdiisa ku bilaaben Musharaxiinta kasoo dageysa Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo Sharmaarke uu sheegay inaanu la caburinkarin.

Sidoo kale, khilaafka ayaa si cad usoo shaac baxay goortii Ra’isul wasaaraha dalka uu ka hor yimid Go’aan ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka kaasi oo u muuqda mid Guddiga ay ku gacan maroojinayeen nidaamka doorashada dalka.

Ra’iisulwasaare Cumar ayaa sheegay in xulista Xildhibaanada ay go’aan ka gaarayaan Madaxda Dawladda Somalia ugu saraysa.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa ka gaabinaaya lasii shaqeynta Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday, waxa ayna arrintu u muuqaneysa mid lagu kala daneysanaayo, maadaama dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday.

Dhinaca kale, waxaa shaki xoogan laga muujinayaa inuu soo hagaago xiriirka labada mas’uul, iyadoo ay maslaxad u arkaan inay kala fogaadan sababo la xiriirta kalsooni darri ka dhalatay dhanka musharaxnimadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com