Xog Yaa ka danbeeyay in xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu xulo Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya wararka laga helaayo qaabka loo xulaayo Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uga mid noqon doona maamulka cusub ee dhismihiisa uu ka socdo magaalada Jowhar.

Wararku waxa ay sheegayaan in sababta ugu weyn ee xulista Xildhibaanada loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho ay tahay kadib markii Wafdiga IGAD ay walaac ka muujiyeen in mudada ay soconeyso xulista ay ku sugnaadan magaalada Jowhar, waxa ayna taasi bedelkeeda dalbadeen in Muqdisho loo soo wareejiyo xulista.

Dalabka ah in xulista loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu lahaa Gen. Gebra oo isaga xubin miisaan leh ka ah Guddiga IGAD u qaabilsan arrimaha shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo labada Gobol.

Gebra ayaa la sheegay inuu codsaday in Xulista loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho si buu yiri IGAD ay ula socto qaabka xulista Xildhibaanada maamulka cusub uu yeelan doono.

Gebra oo sidoo kale dowlada Ethiopia u qaabilsan dhanka xog uruurinta arrimaha Somalia, ayaa cabsi saa’id ah ka muujiyay in mudada xulista uu ku sugnaado magaalada Jowhar, waxa uuna doorbiday magaalada Muqdisho.

Gebra dartii ayuu Guddiga Doorashada dadban ee Somalia u laalay codsiga boqolaal Soomaali ah oo isugu jira Ergo, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada la dooran doona kaasi oo ah in xulista lagu qabto magaalada Jowhar, hayeeshee waxaa gabi ahaan ka fadli badan Gebra oo aan rabitaankiisa aheyn Jowhar.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ku adkeysanaaya in xulista Xildhibaanada ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa si gaara u qadarisa Gen. Gebra oo tan iyo dowladii KMG aheyd ee Somalia xiligii C/llahi Yuusuf ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u joogo howlo Sirdoon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com