Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay nagu heyso

Asc Wrb, Aqriste waa ku Mahadsantahay Aqrinta aad Aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku Rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arin aad ila garwaaqsan doonto marwada Aqriso Qormada.

Marka hore waan kuu Cudur daaranaa, waayo waxaa lagayabaa arinta aan ka hadlaayo inay tahay mid adiga ku saameyn doonta, hadii ay ku samaayso oo aad tahay Qof ku sugan Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ku hayso Somalia bal dib u fakar waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3 meelood oo ah Sadexda ugu muhiimsan noolaha Bani, Aadamka ah waxayna kala yihiin 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Lacagta.

Hadii Sadexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar oo ka bilaw Naftaada, Xaafadaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le’egyihiin.

Haddii intaa Aad sameyn weydo aan kor ku soo xusay Aadna tahay dhibanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan Xisaabtamin oo ka fal celin waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba waayo intaas Aan kuu soo sheegay hadaa Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro Aad ka badbaadin weydo Somalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxeysan waxba ugama awoodid.

Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ku heyso Somalia 

Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu kujiro dagaalku inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray kooxna  guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo.

Bal aan tusaale u soo qaato wadanka Shiiknaha iyo Engriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale.

Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale inuusan waxba uga baahan laakiin Dunidda inteeda kale ay ubaahnaayeen Shiinaha gaar ahaan Reer Europ. Dhawr wadan oo ka mid ah Europ iyo Asia ayaa go,aan ku gaaray inay shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa wadamadaa Engriiska, Jarmal iyo Jaban.

Ugu danbeyntii Engriiska wuxuu lagalay Dagaal maskaxaysan Shiinaha Hadaba muxuu ahaa??

Engriis wuxuu go’aan saday inuu shiine ladagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Darogo loo yaqaan ”Opium” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan una keenta Qofka dhibaato aan baaxadeeda 10 Qormo lagu soo koobi karin.

Engriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha, dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiif, guryo iyo hoy la,aan iyo dad mashaqeysta yaal ah wax kastana ku badasha Opium.

Aan usoo dago dulucda Qormada!

Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad.

Aqristow adiga nafsan ahaantaada macuntaa Qaad?

Ehelkaa ma cunaan tusaale ahaa caruurtaada, walaalahaaga, waalidkaaga?

Saaxiibadaa ama dadka Aad macrifada tihiin ma cunaan?

Waa hubaal Qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!! Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba talaabooyin kaan :-

1- Caafimaad darida uu ukeeno

2- Qarashka uga baxa

3- Waqtiga uga baxa!!

Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaalia. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo Dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaano leh, Waxgarad leh, Aqoonyahano iyo Keydmedia-ba.

Waxaana Qaaddka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo haligay Naf, Waqti iyo Maalba.

Bal qarashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca Aan ka soo qaado xasuusin yar, Qarashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya,Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay cadaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga.

2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:-

16 TON! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Ton oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata.

20-kaan Ton iyo kabadan oo si qal-qalooc ah lagu dhoofiyo waxay Aadaan Somalia, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka Aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 Million oo Kenya Mmoney ah oo u dhiganta qiyaas ahaan $315,000 Doolar maalin kasta oo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal Malyan Afar Boqol iyo Konton Kun oo Doolar) bil kasta!

Sanadkii ma is weydiisay? Waa $113.400.000!

Hadaba markaan Sanakiiba $113.400.000 aan siino Kenya aanan ku badalano Caafimaad daro, Mustaqabal La,aan iyo Waqti lumin waa sidee Dadkeeni, Dalkeeni iyo Damiirkeeni?

Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su,aalahaan Hoose.

Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan?

Maxaa lagu xalin karaa dhibaatada intaa le’eg?

Sideese loo xalin karaa dhibkaan ka timaada Qaadka?

W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare