Xog: NICHOLAS KAY oo Puntland u saxiixay hub lagu weeraro, Khaatumo, Somaliland & G/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nickalos Key ayaa lagu eedeeyay inuu Maamulka Puntland kala shaqeeynayo sidii loo burburin lahaa Maamulka goboladda dhexe, sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay inuu hub badan u saxiixay Maamulka Puntland si ay weerar ugu qaadaan degaanadda Khaatumo iyo Somaliland.

“Nickalos Key wuxuu caddeystay dagaalkiisa, wuxuu Puntland u saxiixay seddex kun oo qori iyo rasaas farabadan, waxaana sidoo kale hubkaas saxiixay Cumar Cabdirashiid, waxaana hubkaas loogu tala galay in lagu weeraro Koofurta Galkacyo iyo maamulka goboladda dhexe laga dhisayo” ayuu yiri Gudoomiyaha golaha guurtida Hawiye Maxamed Xasan Xaad.

Xaad wuxuu dhinaca kale tilmaamay in Shariif Xasan oo kaashanaya Ciidanka Ethiopia uu doonayo inuu xoog ku qabsado degaanadda beelweynta Hawiye.

“Puntland waxeey dooneysaa iney xoog ku qabsato ilaa Laascaanood, waxay xoog ku maquunin doonaan Beesha Dhulbahante, sidoo kalena Isaaq waa u tilaabi doonaan, waxaana qorshahaan ka raali ah Nickalos Key” ayuu yiri.

Xafiiska Qaramadda Midoobay ee UNSOM Muqdisho oo aan la xiriirnay nooma suurtagelin inaan telefoon ku helno Nickalos Key.

Nickalos Key wuxuu u muuqdaa nin ka baxay dhexdhexaadnimadii loo soo magacaabay, laakiin nasiibdaradda ugu weyn waxay tahay Madaxweyne Xasan oo ku mashquulsan howlo kale, halka Cumar Cabdirashiid uu qabyaalad u dhar dhigtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com