Mas’uul baasaboorka Somaliland kala soo degay garoonka MUQDISHO, balse maxaa qabsaday?!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Jaamac Faarax oo kamid ah Mas’uuliyiinta Ururada bulshada ee Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dhacdo maalmo ka hor ku qabsatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inuu watay Baasaboor uu sheegay inay leedahay Maamulka Somaliland goortii uu kasoo dagay garoonka Aadan cade ay ilaalada garoonka u taxaabeen Jeelka, kadib markii lagu eedeeyay isticmaalka Baasaboorka uu watay.

“Bishaan 15-keeda ayaan Somalia ugu baxay safar waxaana tagaayay ilaa afgooye, waxaan u socday howlo samafal. ma aheyn ruux u socday arimo siyaasadeed, markii aan ka dagay garoonka ayaa waxaa i qabtay xubno ka tirsanaa waaxda socdaalka waxaa la amray in ley xiro waxaana ley dhigay jeelka. waxaana halkaasi ku jiray mudo saacado ah”.

“Markii ley xiray waxaa ii imaaday ciidamo ka tirsan Nabadsugida wax dhib ah iimageysan laakin kaliya waxaa aflagaado ii geystay taliye xigeenka magareeshinka, dhib kale kama tabanaayo DF” Waxa uu tilmaamay in garoonka dhexdiisa looga qaaday Baasaboorka, islamarkaana lagu sii deeyay damiin.

Baasaboorka ayuu tilmaamay inay ka qaaten Saraakiisha Magareeshinka, waxa uuna ku baaqay in dib loogu soo celsho Baasaboorkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com