Somali geesi iska dhigay oo FBI-da Mareykanka..

USA (Caasimada Online) – Hayada Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegtay iney xirtay wiil Soomaali Mareykanka ah kadib markii uu hanjabaad u jeediyay sarkaal ka tirsan hayada sirdoonka Mareykanka kadib markii la xiray dhalinyaro Soomaali Mareykan ah.

Dhamaan dhalinyarada oo todobaadkii hore ay xirtay hayada FBI-da Mareykanka ayaa lagu eedeeyay iney doonayeen iney u dhoofaan dalka Syria ama Iraq si ay ugu biiraan ururka Daacish ee ka dagaaalaamaa laabadaasi dal.

Wiilka la xiray ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Abuukar Saciid, wuxuuna ku eedeysan yahay inuu u hanjabay Sirdoonka Mareykanka maadaama dhalinyari ay saaxiibo ahaayeen lagu xiray dalkaasi.

Waxaa bartiisa Facebook uu soo dhigay sawirka askari ka tirsan hayada FBI isaga oo ku sheegay inuu yahay ruuxii shirqoolay dhalinyarada Soomaaliyeed oo hayada ay xiratay.

Maxamed Abuukar Saciid, ayaa hayada FBI ay sheegtay inuu saaxiibo dhow la ahaa dhalinyarada la xiray ayna doonayeen iney ku biiraan ISIS.

Maxkamad lasoo taagay Maxamed Abuukar, ayaa ku xukuntay in xabsiga uu kusii jiro ilaa 29-ka Bishan iyada oo kadib maxkamada lagu soo celin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com