Xog: Xasan Sheekh iyo R/W CCC oo is hortaagay doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Jubba, ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday doorashadii gudoonka baarlamaanka Jubaland iyo xafladii caleema saarka aheyd.

Xubno ka tirsan Maamulka ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro Khilaaf dhanka Maamulka iyo DF Somalia, kaasi oo sababay dib u dhaca doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia iyo Odayaal kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland, ayaa kasoo horjeestay qaabka uu Hogaamiyaha Maamulkaasi u dhisay Baarlamaanka, waxa ayna sheegen inaan la aqbali karin Baarlamaanka Cusub.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo CCC , ay bixiyeen amarka lagu dib dhigaayo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba iyo caleema saarkiisa.

Labadaani Mas’uul ayaa aad uga cabsi qaba in carqalad iyo dhibaatooyin hor leh ay ka dhacdo Deegaanada Jubba, waa haddii ay dhacdo doorashada iyo caleema saarka ka hor inta aan la xalin buuqa ka dhashay dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Dhanka kale, Gudiga doorashada si rasmi ah uma aysan shaacin wakhtiga rasmiga ah ee doorashadu dhacayso balse waxaa la filayaa in maalinta bari ah la shaaciyo taariikhda ay dhici doonto doorashada hogaanka baarlamaanka Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com