Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalki DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali ”Bukhaari” oo kamid ah Golaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland, ayaa si kulul uga hadlay war kasoo baxay Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee DF Somalia Nuur Faarax.

Bukhaari, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay faragalinta uu Wasiirka ku sameynaayo Dekadaha hoostaga Maamulka Somaliland, gaar ahaan Dekada Berbera oo la sheegay in laga kireynaayo Hay’ado ajaanib ah.

Wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan faragishan arrimaha DF Somalia, balse ay dowladu had iyo jeeral tahay mid ku mashquusha arrimaha Maamulka.

Isagoo u jawaabaya Wasiirka Dekedaha DF Somalia ayuu waxa uu yiri ”Dekeda berbera maha mid ay ka arimiso DF Somalia. wasiir Nuur Faarax waxaan u sheegayaa yuusan kusii fogaan hadalkiisa halkaani dowlad madax-banaan ayaa ka jirto Xasan sheekh kama arimiyo”

Waxa uu intaa ku daray ”Somaliland Cida ay u aragto inay maslaxo ugu jirto inay ka kireyso ayay ka kireyneysaa, talo halkaani kuma laha DF”

Geesta kale, waxa uu ka digay in la burburiyo qodobadii leysla gaaray shirarkii ka kala dhacay Magaalooyinka Istanbuul iyo Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com