Sirdoonka Mareykanka oo helay MAGACA qofka dhallinyarada Soomaalida u kaxeeya DAACISH !!

Muqdisho (Caasimada Online)-Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Abdi Nuur ayaa sannadkii hore ka ambabaxay magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ka hawlgala dalalka Syria iyo Iraq.

Ninkaasi oo ay Warbaahinta horey u shaacisay in lagu dilay duqeyn ka dhacay dalka Syria, ayaa waxaa haatan la xaqiijiyey inuu nool yahay, isla markaana uu si toos ah ula soo xiriiro Dhallinyaradda Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaallooyinka Mataanaha ee Maraykanka, Omar Jamal iyo Saraakiil ka tirsan Xoojinta Sharciga Maraykanka, ayaa sheegay inuu weli nool yahay Abdi Nuur, isla markaana uu ku hawlan yahay sidii uu dhallinyaradda ku nool Gobalka Minnesota ugu tashkiilin lahaa inay ku soo biiraan Kooxda Daacish.

Omar Jamal oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa tilmaamay inuu rumeysan yahay inuu Abdi Nuur la soo hadlo dhallinyarradda, kuna baraarujiyo inay Jihadistayaal noqdaan.

Bishii March ee sannadkan ayaa waxaa soo baxay warar sheegayey in Abdi Nuur lagu dilay weerar ka dhacay dalka Syria, balse dhowr ka tirsan Saraakiisha Xoojinta Sharciga ee Federalka Maraykanka ayaa mar dambe sheegay inay rumeysan yihiin inuu Ninkaasi weli nool yahay.

Dhinaca kale, Dukumenti Maxkamadeed oo la shaaciyey maalintii Axadda ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay inuu Abdi Nuur kaalin muhiim ah ka qaatay sidii ay 6 dhallinyarro Somali-Maraykan ah ugu soo ambabixi lahaayeen dalka Syria, si ay uga barbar dagaalamaan Kooxda Daacish.

Dukumentiga ayaa lagu sheegay inuu Ninkaasi uu qof ku nool Gobalka Minnesota kula soo xiriiray Aalladda ay Bulshadda ku wada xiriiraan ee ( The Social Media app Kik) iyo inuu isku hawlay sidii qaar ka mid ah Lixda Dhallinyarro ee isbuucan lagu xiray Minnesota iyo San Diego u heli lahaayeen Baasabooro Macmal ah oo ay ku soo safraan, iyagoo sii maraya dalka Meksiko, kah or intaysan imaanin dalka Syria.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com