Sawirro: Ajaanib ay ku jiraan Soomaali oo dibad baxyo weyn ka dhigay magaalada Johanesburg

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadbax looga soo horjeedo rabshadaha ajanabi naceybka ah ee Koofur Africa oo ay ka qeybgaleen Soomaalida ku sugan dalkaasi ayaa ka dhacay Magaalada magaalada Johanesburg.

Muuqaalo ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo socod ku maraya waddooyinka Magaalada Xarunta ganacsiga Johanesburg iyo qaar ka mid ah xaafadaha ay ka dhaceen rabshadaha ajnabi naceybka ahaa ee todobaadkii lasoo dhaaftay ka dhacay Magaalada Durban
Gudoomiyaha gobolka Gauteng David Makhura ayaa dibadbaxa kala qeybgalay Dadka, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay in la beegsado Dad aan dambi laheyn oo haddana marti ku ah dalkooda.

Dad nool ayaa lagu gubay sidoo kale waxaa lagu boobay Dukaamo Ganacsi oo ay leeyihiin Dadka Ajanabiga ah ee ku sugan Koofur Africa rabshado Ajanabi naceyb ah oo toddobaadkii tagay ka dhacay Magaalada Durban.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10