Tariin galaaftay nolosha muhaajiriin Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Muhaajiriin ay u badnaayen Soomaali ku dhinteen Dalka Macedonia.

Inta la xaqiijiyay Muhaajiriintaasi ayaa gaareysa ilaa 15-ruux oo ay ku jireen lix u dhashay dalka Afgaanistaan, waxaana la soo warinayaa inuu jiiray Tariin la sheegay inay la socdeen boqolaal rakaab ah.

Shilkaani ay ku dhinteen Muhaajiriinta Soomaalida, ayaa waxa uu ka dhacay waqooyga Dalka Macedonia, waxaana iminka halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka si ay gargaar bani’aadanimo ugu fidiyaan dadkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi ay ku sii jeeden khaarada Yurub waxana musiibadasi ay ku haleeshay Magaaladda Veles Ee Macedonia.

Dhanka kale, Tariinka galaaftay nolosha Muhaajiriintaasi ayaa waxa uu kasoo ambabaxay Magaaladda Thessaloniki ee waqooyga dalka Gariiga waxa uuna ku sii jeeday Caasimada Dalka Serbia ee Belgrade.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com