” Waa nasiib darro in Somalida oo nool ay Kenya dhulkeena xadka uga darsato” Waxaa sidaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex xildhibaan Cabdi Cabdiqaadir Muuse , ayaa si kulul uga hadlay damaca Dowlada Kenya ay ku balaarsaneyso xadka kala dhexeeya Somalia.

Ciro ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay ka faa’iideysaneyso hurdada ay ku jirto Somalia, balse ay jiraan Khubaro aqoon wanaagsan u leh dhulka ay Somalia leedahay islamarkaana ay qaadatay dowlada Kenya.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Kenya waxa ay dooneysaa inay siyaadsato xadka oo ay ku darsato qeybta Somalia, kama yeeli doono in sida Bada somalia dhulkeeda faragalin ugu sameyso”

Xildhibaan hore Cabdiqaadir Ciro ayaa Dowladda, dhexe, Maamulada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan difaaca Dhulka iyo Badda Soomaaliya oo ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin qorshaha Kenya.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu horaantii bishaan siiyay VOA ku sheegay in Dowladda aysan ka war heyn xadka ay Kenya ka dhiseyso xuduuda, isaga oo sheegay in marka ay soo shaac baxdo arrintaasi ay ka bixinayaan jawaabta ku haboon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com