SAWIRRO: TUULO gabi ahaan uu qaaday biyaha wabiga & qeylo dhaan laga muujiyay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Duduble oo ka tirsan degmada Mahaday, ayaa sheegaya in gabi ahaan Tuuladaasi uu qaaday biyaha kasoo fatahay Wabiga.

Deegaanka Duduble oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Jowhar, ayaa waxaa kusoo fatahay Wabiga waxa uuna saameyn ba’an ku yeeshay qoysaskii ka ag’dhawaa.

Deeganka uu biyuhu qaaday ayaa waxaa ku noolaa inkanadan 950 qoys, waxaana la soo warinayaa in qaarkood ay ka barakaceen, halka qaarka soo harayna ay la tacaalayaan sidii ay uga dhex bixi lahaayen biyaha.

Arrintaani ayaa waxaa ka warbixiyay Mahaday Axmed Xuseen Afrax oo ah Guddoomiyaha degmada ayaa sheegay in wabiga uu fatahay wakhti aan laga fileynin balse uu saameeyay intii ku noolayd deegaankaasi.

Waxa uu sheegay in la joogo xiligii ay gurman lahaayen Hay’adaha iyo Ganacsatada, waxa uuna ku baaqay in DF Somalia ay ka qeybqaadato gurmadka.

“Qoysaskaan beeralayda ah wixii ay haysteen waxaa qaaday biyaha ka soo fatahay wabiga mana haystaan cunto,biyo nadiif ah iyo daawo”
Dhanka kale, waxa uu ka digay in shacabkaasi ay garab ka waayan dadka u nugul gargaarka.

1

2

3

4

6

7

9

10
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com